KHARKA U SAARAN: PSG Oo 24 Saac Gudaheed Kula Wareegeeysa Hakimi

KHARKA U SAARAN: PSG Oo 24 Saac Gudaheed Kula Wareegeeysa Hakimi

Kooxda kubbada-cagta Paris Saint-Germain ee dalka Faransiiska ayaa 24 saac gudaheed kula soo wareegeeysa dambeedka-middig ee kooxda Inter Achraf Hakimi, sida ay Goal qoreyso.

Xiddiga reer Morroco ayaa ka tegaya kooxda heysta Horyaalnimada Talyaaniga kaddib keliya hal xilli cayaareed oo uu la qaatay waxaana haatan cutubkiisa xiga ee xirfadlenimo goordhow lagu wadaa inuu kasii ambaqaado magaaladda Paris marka uu u wareego PSG.

Hakimi keliya xagaagii hore ayuu Inter ugasoo biiray kooxda Real Madrid ee dalka Spain waxaana 22 jirkan uu kooxda reer Talyaani ka caawiyay inay ku guuleeystaan horyaalka heerka 1aad ee Seria A-da dalkaas xilli cayaareedkii 2020-2021.

Si kastaba ha ahaatee kooxda Inter ayaa go’aansatay inay xiddigan iska iibiso kaddib markii uusoo wajahay dhaqaale yari baahsan waxaana ay iibkiisa doonayaan inay ka macaashaan.

Wararka ayaa sheegaya in PSG ay bixin doonto ilaa 60 milyan oo ginni oo lagu daray gunnooyin, taasoo ka dhigan in faa’iido aad u badan ay heleyso Inter, oo xagaagii hore kasoo bixisay keliya 36 milyan oo ginni.

Romelu Lukaku iyo Martinez ayaa la saadaalinayay inay noqon karaan ciyaartoyda ugu horreysay ee kooxda ka tagaya, laakiin Hakimi ayaa haatan noqon doona midka ugu horreeya ee ka taga garoonka kooxda Inter Milan ee Giuseppe Meazza.

Abdihakim Olad

Read Previous

Rasmi: Tottenham Oo Magacaawday Macalinkeeda Cusub

Read Next

Man United Oo Dortmund Kala Heshiisay Iibka Sancho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?