Arsenal Oo Dalab Ka Gudbisay Locatelli

Kooxda kubbada-cagta Arsenal ayaa dalab rasmi ah ka gudbisay xiddiga khadka-dhexe ee kooxda Sassuolo Manuel Locatelli, sida uu ku waramay guddoomiyaha kooxda Serie A-da Giovanni Carnevali.

Gunners ayaa “si adag u riixeysa” saxiixa Locatelli xilli uu si cajiib ah ugu ciyaarayo xulkiisa Talyaaniga tartanka Euro 2020.

Marka laga soo tago Arsenal, Juventus ayaa sidoo kale dooneysa inay la wareegto ciyaaryahankan waxayna kulan la balansan yihiin Sassuolo si ay ugala hadlaan heshiis macquul ah.

23 jirkan ayaa inta badan ka ciyaara qadka dhexe ee daafaca heerka kooxeed, wuxuu leeyahay xirfado kubbad sameen ah taas oo u sahashay inuu buuxiyo booskii gantaal la’aanta ee Talyaaniga markii la weydiistay inuu daboolo doorkii Marco Veratti horaantii Euro-ga.

Kulankiisii ugu fiicnaa xulkiisa Talyaaniga wuxuu wajahay Switzerland, markaasoo uu dhaliyay labo gool guushii 3-0 ee wareegga group-yada kaga gaareen.

Gunners ayaa qarka u saaran inay iibiso Granit Xhaka, Locatelli ayayna ka dhiganayaan beddelkiisa.

Abdihakim Olad

Read Previous

Man United Oo Dortmund Kala Heshiisay Iibka Sancho

Read Next

Rice Oo Diiday Inuu Heshiiska U Kordhiyo Kooxdiisa Iyo Chelsea & United Oo Ku Baraarugay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?