Xhaka Oo Soo Jiitay Indhaha Juve Oo Haatan Saxiixiisa Kula Loolameysa Kooxda Roma

Cayaaryahanka Khadka-dhexe ee kooxda Arsenal Granit Xhaka ayaa soo jiitay indhaha kooxda Juventus kaddib bandhigyo ilqabad leh oo uu kusoo bandhigay tartanka Euro 2020 oo uu qarankiisa Switzerland hoggaaminayo.

Cayaaryahankan baasaska qurxan ayaa wuxuu arkay in qiimahiisa suuqa uu sare u kaco inta uu socdo tartanka Qaramada Yurub.

Granit Xhaka ayaa horraan lala xiriirinayay kooxda Roma balse haatan waxaa lasoo warinayaa inay saxiixiisa tartan adag kala kulmaydo kooxda Juventus oo loolanka kusoo biirtay kaddib markii bandhig cajiib ah uu xiddigan ku muteystay jaa’isada “cayaaryahanka garoonka ugu fiican’ kulankii xulkiisa Switzerland ay wareegga 16ka ee tartanka kaga ciribtireen Faransiiska Isniintii, Calciomercato ayaa sidaas qortay

Roma ayaa raadineysay 28 jirkaan bishii lasoo dhaafay laakiin waxaa laga yaabaa inay haatan u baahan tahay inay iska celiso kooxaha doonaya oo haatan Juve ay ugu horreyso si ay ugu guuleeysato saxiixa xiddigan.

Abdihakim Olad

Read Previous

Benitez Oo Loo Magacaabay Tababaraha Cusub Ee Everton

Read Next

Rasmi: Tottenham Oo Magacaawday Macalinkeeda Cusub

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?