Rashford Oo Ku Dhawaaqay In United Ay Lasoo Wareegtay Sancho Xilli Akoonkiisii Laga Jabsaday

Marcus Rashford ayaa xaqiijiyay in saaxiibkiisa xulka Ingiriiska oo u safta kooxda Borussia Dortmund Jadon Sancho uu dhowaan ku biirayo kooxda Manchester United.

Sancho ayaa muddo dheer lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Old Trafford, inkastoo United ay seegtay saxiixiisa sannadkii hore, balse haatan waxay u muuqataa inuu kusii dhowaanaya inuu usoo dhaqaaqo dhanka garoonka Old Trafford xagaagan.

Isagoo bartiisa Twitter-ka kula falgalaya mid kamid ah taageerayaashiisa, Marcus Rashford ayaa u muuqday inuu xaqiijiyay warka lafilayo ee ah inuu Sancho u wareegayo Red Devils.

Adeegsade ayaa uga jawaabey qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka Rashford maalintii talaadada isagoo leh: “Ku dhawaaq Sancho, Marcus.” Rashford wuxuu umuuqday mid xaqiiijinaya saxiixa Sancho, isagoo si fudud u dhahay: “Haa x.”

Rashford ayaa tan iyo markii uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay farriintaas ku sharaxay in aysan isaga ka imaanin, laakiin ay tahay burcad si uun u helay marinka uu kusoo galo islamarkaana soo qoray farriinta.

“Wax yar oo jabsi ah kaddib waan soo laabtay. subax wanaagsan dhammaan” ayuu weeraryahanku kusoo qoray bartiisa.

Abdihakim Olad

Read Previous

DEG DEG: Arsenal Oo Dhammeeystirtay Saxiixeedii Ugu Horreeyay Xagaaga

Read Next

Bayern Oo Liverpool Iyo United U Sheegtay Qiimaha Coman

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?