Manchester United Oo U Dhaqaaqaysa Saxiixa Leon Goretzka

Manchester United ayaa eeganeysa xiddiga heerka caalami ee xulka Jarmalka.

Kooxda Manchester United ayaa isha ku heysa inay xagaagan lasoo wareegto cayaaryahanka khadka dhexe ee Bayern Munich Leon Goretzka iyagoo xiriir la sameeyay kooxdiisa si ay ugala hadlaan xiisaha ay u qabaan- sida BILD laga soo xigtay.

26 jirkaan ayaa kusoo muuqday diiradda kooxda Red Devils iyadoo macalin Ole Gunnar Solskjaer uu raadinayo inuu xoojiyo kooxdiisa kahor xilli ciyaareedka 2021-22.

Qandaraaska haatan ee Goretzka ee Bayern ayaa dhacaya sannada 2022, laakiin kooxda ayaa durbaba wadahadalo la furtay xiddigan iyagoo kusoo jiidanaya qandaraas qaali ah si uu u sii joogo hayeeshee waxaa macquul ah in uu ka tago kooxda xagaagan haddii dalabka saxda ah uu u yimaado.

United ayaa la loolami doonta kooxaha Barcelona iyo Real Madrid kuwaas oo sida ay sheegayaan wararka sidoo kale xiiso u qaba saxiixa xiddiga reer Jarmalka.

Abdihakim Olad

Read Previous

Taageerayasha Arsenal Way Ku Farxayaan Waxa Uu Sameeyay Renato Sanches

Read Next

DEG DEG: Arsenal Oo Dhammeeystirtay Saxiixeedii Ugu Horreeyay Xagaaga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?