Benitez Oo Loo Magacaabay Tababaraha Cusub Ee Everton

Tababarihii hore ee kooxda Liverpool Rafael Benitez ayaa heshiis 3 sanno ah u saxiixa kooxda Everton.

Tababarahan reer Spain ayaa lagu soo bandhigay Goodison Park kaddib ololihii ugu dambeeyay ee naadiga Toffees, isagoo beddelaya macalin Carlo Ancelotti.

Warbaahinta Goal ayaa billowgii bishan soo warisay in Benitez uu wadahadallo wanaagsan la yeeshay Toffees, kuwaasoo u aqoonsaday bartilmaameedkooda koowaad kaddib markii ay qaboojiyeen xiisihii ay u qabeen tababarihii hore ee Wolves Nuno Espirito Santo.

Everton ayaa haatan si rasmi ah Benitez ugu soo bandhigtay garoonka Goodison Park kahor ololahood xilli ciyaareedka cusub, iyadoo 61 jirkaan uu kusoo laabtay Premier League-ga markii ugu horreysay tan iyo markii uu ka tagay Newcastle 2019.

Abdihakim Olad

Read Previous

Al-Khelaifi Oo Si Toos Ah Ula Xaajoonaya Kylian Mbappe

Read Next

Xhaka Oo Soo Jiitay Indhaha Juve Oo Haatan Saxiixiisa Kula Loolameysa Kooxda Roma

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?