Bayern Oo Liverpool Iyo United U Sheegtay Qiimaha Coman

Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa Bayern Munich wax ka weeydiiyay qiimaha lagu heli karo xiddiga garabka ka cayaara ee Kingsley Coman, Bayern-na waa ay kasoo jawaabtay codsigaas.

Bayern Munich ayaa dejisay qiimaha ugu dambeeya ee ay ku dooneyso Kingsley Coman – sida laga soo xigtay BILD.

Manchester United iyo Liverpool ayaa labadoodaba si xoogan loola xiriirinayay 25 jirkaan, kaasoo haatan lagu qiimeeyay 90 milyan oo ginni.

Si kastaba ha noqotee, In Coman uu u dhaqaaqo mid kamid ah kooxahan aanu soo xusnay waxaa loo maleynayaa in uusan aheyn mid macquul ah kaddib xaaladda dhaqaale ee haatan jirta iyo qiimaha lagu sheegay iibkiisa oo ah mid aad u sarreeya, waxaana la rajeynayaa inuu dhammeeysto qandaraaskiisa kooxda reer Jarmal oo ku eg ilaa sannada 2023.

Abdihakim Olad

Read Previous

Rashford Oo Ku Dhawaaqay In United Ay Lasoo Wareegtay Sancho Xilli Akoonkiisii Laga Jabsaday

Read Next

Al-Khelaifi Oo Si Toos Ah Ula Xaajoonaya Kylian Mbappe

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?