Tababarihii Netherlands Oo Shaqada Iska Casilay

Tababarihii xulka kubbada-cagta Netherlands Frank de Boer ayaa ka tegay shaqadiisii tababarnimo ee Netherlands kaddib markii uu wax ka qaban waayay niyad jabkii xulka kasoo gaaray ololahooda Euro 2020 xilli guuldarro qaraar oo 0:2 ay kaha hareen wareegga 16ka tartanka.

51 jirkaan ayaa qabtay xilka leylinta xulkiisa qaranka dhammaadka bisha September sannadkii 2020 kaddib markii uu Ronald Koeman oo haatan leyliya kooxda Barcelona kala wareegay jagada.

Waxa uu noqday tababarihii ugu horreeyay ee Oranje ee ku guuldarreysta inuu guuleysto mid ka mid ah afartiisii kulan ee ugu horreysay laakiin waxa uu kormeer ka ahaa siddeed guul iyo hal barbarro ah 10kii kulan ee ugu dambeeyay marka laga reebo kulankii Czech Republic.

Seddex ka mid ah guulahaas ayaa yimid markii Netherlands ay ka gudubtay wareega group-yada ee tartankan, xilli iyagaba la aasaasay kulankii wareegga 16-ka ee Czech Republic.

Netherlands ayaa hal dhibic ka hooseeysa kooxda hoggaamineysa Group-ka ee Turkey qeybtooda isreebreebka Koobka Adduunka 2022 kahor kulamada bisha September.

Abdihakim Olad

Read Previous

Rennes Oo Iska Iibineysa Da’yarka La Isku Heysto Ee Aadka Loo Qimeeyo

Read Next

Jamaica Oo Dooneysa Inay Wiilkooda Greenwood Kasoo Wareejiso Xulka Ingiriiska

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?