Rennes Oo Iska Iibineysa Da’yarka La Isku Heysto Ee Aadka Loo Qimeeyo

Aggaasimaha kooxda Rennes Florian Maurice ayaa xaqiijiyay in kooxda ay raadineyso inay iska iibiso xiddiggooda qadka dhexe ee Eduardo Camavinga xagaagan haddii uu diido inuu qandaraaska u kordhiyo.

18 jirka Faransiiska ah ayaa ka mid ah da’yarta aadka loo qiimeeyo ee kubbada cagta adduunka iyadoo ay Real Madrid, Man United iyo Paris Saint-Germain dhamaantood isha ku hayaan isaga xilli uu ku jiro sannadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa.

United ayaa la fahamsan yahay inay qorsheysay kulan ay la yeelato wakiilada Camavinga maalmaha soo socda si ay ugala wada hadlaan inuu u saxiixo, Maurice ayaa haatan qirtay in Rennes ay kulan gaar ah la qaadan doonaan da’yarkan si ay u ogaadaan waxa mustaqbalkiisa u unoqon karo.

PSG ayaa loo maleynayaa inay hoggaamineyso loolanka loogu jiro saxiixa Camavinga, iyadoo wiilkaan uu doorbidayo inuu u dhaqaaqo Parc des Princes maadaama uu jeclaan lahaa inuu sii joogo Faransiiska waqtigan, laakiin raadin ayuu ugu jiraa fursado kale oo dheeri ah wuxuuna la kulmi doonaa United maalmaha soo socda si ay uga wada hadlaan waxa ay iyagana yaboohayaan.

Abdihakim Olad

Read Previous

Demiral Oo Ka Tegaya Juve

Read Next

Tababarihii Netherlands Oo Shaqada Iska Casilay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?