Morata Oo Barbarreeyay Torres

Weeraryahanka xulka kubbada-cagta Spain ee Albarn Morata ayaa barbarreeyay rikoorkii Fernando Torres ee ahaa gooldhaliyaha ugu sarreeya Spain Koobka Qaramada Yurub.

Morata wuxuu shabaqa garaacay waqtigii dheeriga ahaa ee kulankii La Roja ay Croatia 5-3 kaga adkaatay rigooreyaal si ay ugu soo baxaan wareegga 8 dhammaadka Euro 2020.

Morata ayaa haatan labo gool ku qoray magaciisa tartankan haatan socda, xilli uu sidoo kale shabaqa soo taabtay kulankii ay barbarraha 1-1 la galeen Poland.

Rikoorka uu Morata barbarreeyay ayaa ah inuu guud ahaan 5 gool ka dhaliyay tartanka Qaramada Yurub, tiro keliya uu horay u dhaliyay Fernando Torres, inkastoo la filayo inuu isaga rikoorkaas hoggaamiyo maadaama weli Spain ay baaqi kusii tahay tartanka.

Abdihakim Olad

Read Previous

Messi Oo Is Muujiyay Xilli Uu Rikoor Jebiyay Kulankii Bolivia

Read Next

Arsenal Oo Benfica Ka Sirsiraneysa Daafaceeda Biddix

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?