Messi Oo Is Muujiyay Xilli Uu Rikoor Jebiyay Kulankii Bolivia

Kabtanka xulka Argentina Lionel Messi ayaa jebiyey rikoorka safashada ugu badan ee xulka Argentina xilli uu dhaliyey labo gool isla markaana caawiye ka ahaa mid kale qeybtii hore ee kulankii Bolivia kaddib markii uu garoonka soo galay markii 148aad ee waayihiisa ciyaareed.

Xiddiga garabka ka cayaara ayaa dhaafay rikoorkii Javier Mascherano isaga oo cayaaray kulankiisii Isniinta ee wareegga Group-yada Copa America. Wuxuu sidoo kale xulkiisa u dhaliyay 75 gool.

Argentina ayaa kaalinta 1-aad kaga soo baxday Groupka A markii ugu dambayn at 4-1 ku xasuuqday Bolivia waxayna wareegga 8da la cayaari doontaa Ecuador.

Abdihakim Olad

Read Previous

Arsenal Oo Codsatay Renato Sanches

Read Next

Morata Oo Barbarreeyay Torres

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?