Man United Oo Kulamo La Yeelaneysa Eduardo Camavinga

Red Devils ayaa kor u qaaday xiisaha ay u qabto ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France ee kooxda Rennes.


Manchester United ayaa abaabushay kulan ay la yeelaneyso wakiilada Eduardo Camavinga isbuuca soo socda – sida laga soo xigtay RMC Sport.


Red Devils ayaa u aqoonsatay 18 jirka qadka dhexe ee Rennes inuu yahay bartilmaameed suuqa kala-iibsiga ah waxayna rajeynayaan inay ku qanciyaan inuu usoo dhaqaaqo carina Ingiriiska halkii uu ku biiri lahaa kooxda Paris Saint-Germain.


Waxaa la fahansan yahay in dooqa koowaad ee Camvinga uu yahay PSG, iyadoo Rennes lagu wado inay saxiixiisa ku hesho hanti qaali ah kahor inta uusan noqon wakiil xor ah sannadka 2022.

Abdihakim Olad

Read Previous

Manchester City Oo Dooneeysa Reece-James

Read Next

Arsenal Oo Codsatay Renato Sanches

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?