Arsenal Oo Codsatay Renato Sanches

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa cayaaryahanka khadka dhexe ee Lille Renato Sanches xagaagaan.

Arsenal ayaa wax ka weydiisay helitaanka cayaaryahanka khadka dhexe ee Lille Renato Sanches – sida laga soo xigtay 90min.


Gunners ayaa weydiisatay kooxda reer Faransiiska in lala socodsiiyo wixii kusoo kordha xaaladda 23 jirkaan suuqa xagaagan.


Sanches ayaa qeyb ka noqon kara kooxda macalin Mikel Arteta ee dib u dhiska lagu sameynayo, iyadoo xoojinta qadka dhexe loo arko inay muhiimad gaar ah siineyso tababaraha Gunners.

Sanches ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisii ugu wacnaa, isagoo uu dhaliyay shan gool isla markaana caawiye ka noqday shan kale 59 kulan oo uu u saftay kooxda difaacaneysa horyaalka Faransiiska ee Lille.

Cayaaryahankan ayaa sidoo kale saameyn xoogan ku yeeshay xulkiisa Burtuqiiska tartanka Euro 2020, Liverpool ayaana la rumeysan yahay inay ka fiirsaneyso inay dalab ka gudbiso kaddib dhammadka tartankan.

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay 90min, sidoo kale waxaa jira xiiso dhab ah oo ka imanaya dhinacaya Arsenal, iyadoo Gunners ay xiriir la sameeysay Lille si ay ugala hadasho qiimaha uu ka joogo suuqa haatan.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Sanches uu u furan yahay inuu ku laabto Premier League, maadaama uu doonayo inuu isku muujiyo heerka koowaad ee Ingiriisja kaddib markii uu waayo uu ku dhibtooday ku qaatay kooxda Swansea.

Abdihakim Olad

Read Previous

Man United Oo Kulamo La Yeelaneysa Eduardo Camavinga

Read Next

Messi Oo Is Muujiyay Xilli Uu Rikoor Jebiyay Kulankii Bolivia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?