Torreira Wuxuu Doonayaa Inuu Ku Laabto Talyaaniga

Torreira Wuxuu Doonayaa Inuu Ku Laabto Talyaaniga

Cayaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Lucas Torreira ayaa doonaya inuu ku laabto horyaalka Seria A-dq dalka Talyaaniga xagaagan, seddex sano kadddib markii uu u dhaqaaqay London isagoo ka yimid kooxda Sampdoria ee dalkaasi, wakiilka xiddigan ayaa sheegay ujeedkiisa.


Torreira, oo xilli ciyaareedkii hore amaah kula joogay Atletico Madrid, isla markaana horey u doonayey inuu dib ugu laabto Koonfurta Ameerika, ayaa doonaya inuu markale ka ciyaaro Serie A-da waxaana la sheegayaa in Arsenal ay ka warqabto ujeedkiisa.


Bentancur ayaa u sheegay TuttoMercatoWeb: “Wuxuu doonayaa inuu ku laabto Italy. Waxay iga soo waceen Faransiiska, Ruushka iyo Isbaanishka, laakiin Lucas wuxuu doonayaa inuu aqbalo dalabyada ka imanaya Talyaaniga si uu markale u muujiyo qiimahiisa. ”

Gunners ayaa kooxdii la saxiixanaysa ka dooneysa 20 milyan oo Yuuro, Lazio ayaa ayaa hoggaamineysa xiisaha xiddigan laakiin weli wadahadal horumar leh lama aysan galin kooxda Arsenal.

Abdihakim Olad

Read Previous

DEG-DEG: Manchester City Oo Xaqiijineysa Saxiixa Grealish Kaddib Euro-ga

Read Next

Steven Gerrard Oo U Sharraxan Shaqada Tottenham

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?