Steven Gerrard Oo U Sharraxan Shaqada Tottenham

Tababaraha kooxda Ranger Steven Gerrard ayaa kamid ah magacyo dhowr ah oo lala xiriirinayo shaqada tababarenimo ee kooxda Tottenham.

Spurs ayaa weli raadin ugu jirta beddelka tababarihii ay shaqada ka cayrisay ee Jose Mourinho.


Steven Gerrard ayaa haatan ah musharax hoggaaminaya inuu noqdo tababaraha xiga ee Tottenham kaddib markii kooxda ay wadahadalo la yeelatay tababare Nuno Espirito Santo, sida laga soo xigtay Evening Standard.


Tababarihii hore ee Wolves Nuno ayaa u muuqday shaqsiga ugu cadcad inuu beddelo Jose Mourinho, si kastaba ha noqotee falcelinta xun ee taageerayaasha ayaa la sheegay inay kooxda ku qasabtay inay la laabtaan xiisaha macalin ay jamaahiirtu ku qanacsaneyn, waa sida ay ku waramayaan warbaahinta qaar.


Taas beddelkeed, waxay haatan u weecdeen dhanka halyeeyga kooxda Liverpool ee Steven Gerrard oo xilli ciyaareedkii hore kooxda Rangers kula guuleystay horyaalka Scottish Premiership.

Abdihakim Olad

Read Previous

Torreira Wuxuu Doonayaa Inuu Ku Laabto Talyaaniga

Read Next

DEG-DEG: Kieran Tierney Oo Heshiis 5 Sanno Ah U Saxiixay Kooxdiisa Arsenal

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?