Liverpool Oo Wadahadallo Kula Jirta Maxamed Saalaxa Xiga – Arsenal Ayaa Iska Fasaxday

Kooxda Kubbada-cagta Liverpool ayaa wadahadallo kula jirta xiddig lagu tilmaamay inuu yahay Maxamed Saalaxa xiga.

Xiddiga reer Holland ee Donyell Malen ayaa diiradda u saaran kooxda Reds xagaagan sida ay sheegayaan wararka, waxaana ay wadahadalo horumar leh kula jiraan kooxdiisa PSV.

Xiddigan ayay Arsenal iska fasaxday 2017dii, kaddib markii ay 2015kii kala soo saxiixdeen kooxda Ajax, iyadoo cayaaryahanka uu kulankiisii ugu horreeyay Gunners u saftay cayaar ay la cayaareen kooxda Sydney FC kulamada saaxiibtinimo ee is diyaarinta horyaalka sannadkii 2017.

Laakiin wuxuu ku guuldareystay inuu ku qanciyo inuu u qalmay inuu fursad ka helo kooxda koowaad waxayna ka iibiyeen kooxda PSV – go’aan ay isla markiiba ka qoomameeyeen.

Sannadkiisii ugu horreeyay ee PSV, wuxuu ka caawiyay kooxda Eindhoven inay ku guulleysato horyaalka Eredivisie-ga dalkaasi Holland.

Weeraryahankan oo dadka qaar ay ku qaab tilmaamaan weeraryahanka reer Masar ee kooxda Reds ee Maxamed Salax, ayaa wuxuu ku riyaaqay xilli ciyaareed qurux badan oo u ku qaatay horyaalka Dutchka ee Eredivise sannad cayaareedkii dhowaa, wuxuuna qaab-cayaareedkaas la tegay Euro 2020 oo haatan uu wacdaro ka dhigayo.

Bandhigga 22 jirkaan ayaa soo jiitay xiisaha kooxda Liverpool kaddib xilli ciyaareed uu 27 gool u dhaliyay kooxda PSV horyaalka heerka koowaad ee Holland.

Xiddigan ayaa la filayaa inuu saxiixiisa ku kaco adduun dhan 34 milyan oo ginni, oo ah isla lacagtii ay Liverpool ku bixisay iibka Maxamed Saalax oo ay kala soo wareegeen kooxda Roma sannadkii 2017.

Abdihakim Olad

Read Previous

Koox Weyn Oo Rui Patricio Kula Wareegeeysa Keliya 6 Milyan

Read Next

Manchester City Oo Dooneeysa Reece-James

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?