Koox Weyn Oo Rui Patricio Kula Wareegeeysa Keliya 6 Milyan

Kooxda kubbada-cagta ee Roma ee ka cayaarta Seria A-da dalka Talyaaniga ayaa xiiseyneysa saxiixa goolhayaha kooxda Wolves iyo Xulka Burtuqiiska Rui Patricio.

Roma ayaa ku dhow inay la soo wareegto goolhayahan qaab-cayaareedka fiican xulkiisa kula qaadanaya tartanka Euro 2020, waxayna kaliya ku helayaan saxiixiisa ku dhowaad 6 milyan oo ginni, sida laga soo xigtay Corriere dello Sport.


33 jirkaan, ayaa diirada u saaran kooxda macalin Jose Mourinho, inkastoo Wolves ay markii hore ku dooneysay ku dhowaad 12 milyan oo ginni.


Si kastaba kooxda ka cayaarta Serie A-da ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran tahay inay soo gabagabeyso heshiiska goolhayan rug cadaaga ah waxaana ay keliya bixinayaan kala bar qiimaha Wolves ay dooneeysay markii hore.

Abdihakim Olad

Read Previous

DEG-DEG: Kieran Tierney Oo Heshiis 5 Sanno Ah U Saxiixay Kooxdiisa Arsenal

Read Next

Liverpool Oo Wadahadallo Kula Jirta Maxamed Saalaxa Xiga – Arsenal Ayaa Iska Fasaxday

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?