DEG-DEG: Kieran Tierney Oo Heshiis 5 Sanno Ah U Saxiixay Kooxdiisa Arsenal

Dambeedka-biddix ee kooxda Arsenal Kieran Tierney ayaa xaqiijiyay inuu qandaraas cusub oo shan sano ah u saxiixay kooxda.

Cayaaryahanka heerka caalami ee dalka Scotland ayaa arrintan ku shaaciyay wadahadal toos ah oo uu ku lahaa bogga Facebook-ga ee kooxda Arsenal, waxaana haatan uu kooxda qalinka ugu duugay heshiis Emirates Stadium kusii heynaya ilaa sannada 2026.

Tierney ayaa fure u ahaa Gunners tan iyo markii uu yimid sannadkii 2019, isagoo wacdaro ka dhigay ololihii isdaba jooga ahaa ee kooxda macalin Mikel Arteta soon bandhigay qaab-cayaareed heer sare oo joogto ah.

Heshiiska cusub ee uu xiddigan Arsenal u saxiixay ayaa waxay niyadjab ku tahay kooxda Napoli oo kamid ah dhowr koox oo xiiso u muujiyay 26 sanno jirkan.

Abdihakim Olad

Read Previous

Steven Gerrard Oo U Sharraxan Shaqada Tottenham

Read Next

Koox Weyn Oo Rui Patricio Kula Wareegeeysa Keliya 6 Milyan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?