DEG-DEG: Manchester City Oo Xaqiijineysa Saxiixa Grealish Kaddib Euro-ga

Manchester City ayaa wadahadalo kula jirta saxiixa xiddiga 100 milyan jooga ee kooxda Aston Villa Jack Grealish, iyadoo kooxda ay kalsooni ku qabto in heshiiskaasi dhowaan ay soo afjari doonto.

Ilo wareedyo ayaa u xaqiijiyay warbaahinta 90min in wadahadalada ay si qoto dheer u horumareen. Mail oo markii hore soo tebisat wararka xiddigan ee Manchester City ayaa maanta soo warineysa in heshiiska lasoo gabagabeyn doono kaddib marka uu cayaaryahankan ka qeyb qaato tartanka Euro 2020 ee uu xulkiisa Ingiriiska ku metalayo.

Qaab cayaareedka Grealish ee xilli cayaareedyadii lasoo dhaafay ayaa u arkay inuu soo jiitay tiro kooxo ah.

Kooxaha Manchester United iyo Tottenham ayaa labaduba xiiseeynaya cayaaryahankan aadka loo qiimeeyo, inkastoo haatan uu u muuqdo inuu ku biirayo kooxda macalin Pep Guardiola oo sidoo kale la fahamsan yahay inuu taageere weyn u yahay isla markaana uu doonayo inuu ka dhigo weeraryahanka Villa mid ka mid ah kuwa ugu sarreeya. oo uu haatanna yahay kan ugu sarreeya bartilmaameedyada kooxda ee suuwa kala-iibsiga xagaagan.

Abdihakim Olad

Read Previous

MUUQAAL: Benzema Iyo Ronaldo Waxay Sameeyeen Arrin Layaab Leh – Maxaa Dhexmaray?

Read Next

Torreira Wuxuu Doonayaa Inuu Ku Laabto Talyaaniga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?