Waa Maxay Rikoorka Uu Dhigay Luka Modric?

Luka Modrić haatan waa cayaaryahanka ugu da’da yar iyo kan ugu da’da weyn ee xulka Croatia gool uga dhaliya tartanka Euro-ga.

Modrić ayaa dhaliyay goolkii ugu horreeyay ee xulkiisa ee Euro 2008, isagoo rigoore u beddelay gool daqiiqadii afaraad guushii ay ka gaareen kooxda martida loo ahaa ee Austria 8dii Juun ee sannadkaas, waxay aheyd rigooradii ugu dhaqsiyaha badneyd ee abid la bixiyo oo la dhaliyo taariikhda Tartanka Qaramada Yurub Ee Euro-ga.

Kulankaas wuxuu sidoo kale noqday cayaaryahankii ugu da’da yaraa ee tartankan gool u dhaliya xulka Croatia, waxayna da’diisu ahayd 22 sanno iyo 273 maalin.

Xiddigan ayaa kulankii caawa ee Croatia wuxuu dhaliyay goolkii labaad ee guushii ay ka gaareen Scotland taasoo ka dhigtay cayaaryahankii ugu da’da weynaa ee Croatia gool u dhaliya Tartanka Qaramada Yurub isagoo da’diisu ay tahay 35 sanno iyo 286 maalin.

U riyaaq, faallo bixi oo sii wadaag. Mahadsanid.

Abdihakim Olad

Read Previous

UEFA Oo Kasoo Horjeesatay Dalabkii Qaansa-roobaadka Ee Allianz Arena

Read Next

Chelsea Oo City Ka Fara-maroojineysa Saxiixa Jack Grealish

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?