Mbappe Inuu Baxo Ayuu Codsaday Balse Real Ayaa Saxiixiisa Daahineysa

Real Madrid ayaa sugi karta ilaa xagaaga 2022 si ay isugu daydo inay la soo saxiixato xiddiga Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe, iyadoo rajo ka qabta inuu dhici doono qandaraaskiisa Parc des Princes kaddib markaasna lagu heli karo beeca xorta ah.

Real ayaa dooneysay Mbappe sannado badan, laakiin xaalad dhaqaale oo cakiran ayaa adkeyneysa inay xagaagan xaqiijiso saxiixa xiddiga Faransiiska halka uu weli amri doono lacagaha badan ee lagu kala iibsanayo.

Saxafiga warbaahinta Faransiiska ee RMC Daniel Riolo ayaa sheegay in cayaaryahanka uu goaansaday inuu doonayo inuu ka tago PSG isagoo ku dhawaaqay, “Waan ogahay in Mbappe uu codsaday inuu baxo … warku wuxuu yahay in Mbappe uusan dooneynin inuu sii joogo.”

Taasi waxay dhabar jab weyn ku noqon doontaa PSG, oo ay walaac ka muujiso isku daygeeda ah inay iska iibiso kahor xilli ciyaareedka soo socda halkii ay ka qatar gelin laheyd suurtagalnimada inuu 2023 halkii uu doono tago weliba si bilaash ah, balse, sida Riolo uu sidoo kale tilmaamay, go’aansashada Mbappe ee ah inuu kooxda ka tago waa keliya kala bar intii loo baahnaa maxaa yeelay kala iibsiga inuu dhaco xagaagan waxay u baahan tahay koox la timaada lacago lagama maarmaan ah si ay u iibsato.

Abdihakim Olad

Read Previous

Chelsea Oo City Ka Fara-maroojineysa Saxiixa Jack Grealish

Read Next

MUUQAAL: Benzema Iyo Ronaldo Waxay Sameeyeen Arrin Layaab Leh – Maxaa Dhexmaray?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?