Chelsea Oo City Ka Fara-maroojineysa Saxiixa Jack Grealish

Kooxda kubbada-cagta Chelsea ayaa si adag ugusoo biirtay tartanka saxiixa bartilmaameedkii kooxda Manchester City Jack Grealish oo Aston Villa u safta.

Chelsea ayaa si xoogan ugu tartameysa inay lasoo saxiixato kubbadsameeyaha reer Ingiriis ee aadka loo qiimeeyo, sida uu qoray Football Insider.

Cayaaryahankan oo qaab-cayaareed cajiib ah soo bandhiyay kulankii xulkiisa Ingiriiska ay guusha ka gaareen xulka Jamhuuriyadda Jeeg ayaa caawiye ka noqday goolka keliya ee xulkiisa.

Kooxda Cityzens ayaa si aad ah loola xiriirinayay xiddigan inuu u saxeexo dhowaanahan laakiin ku lug lahaanshaha Blues ayaa wax ka beddeli kara firfircoonidooda.

Football Insider ayaa sheegaya in milkiilaha Chelsea ee Roman Abramovich uu ogolaaday nooca qarashyada lagama maarmaanka u noqon doona soo xero gelinta cayaartooyda sida Grealish oo kale ah, ku guuleysigoodii Champions League-ga ayaa kaliya u ogolaanaya inay qarash gareyn karaan lacago badan suuqan xagaaga.

Abdihakim Olad

Read Previous

Waa Maxay Rikoorka Uu Dhigay Luka Modric?

Read Next

Mbappe Inuu Baxo Ayuu Codsaday Balse Real Ayaa Saxiixiisa Daahineysa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?