UEFA Oo Kasoo Horjeesatay Dalabkii Qaansa-roobaadka Ee Allianz Arena

Xiriirka kubadda-cagta yurub ee UEFA ayaa diiday codsi ka yimid xulka Jarmalka oo ahaa in lagu ifiyo Allianz Arena midabbada qaanso-roobaadka maalinta arbacadda kulanka Euro 2020 ee ay la cadyaarayaan Hungary sababo siyaasadeed awgood.

Duqa magaalada Munich Dieter Reiter ayaa axaddii sheegay inuu weydiistay UEFA ogolaansho ah inay u iftiimiso garoonka si ay u taageeraan bulshada LGBTQ + .

Reiter ayaa codsaday kaddib markii Hungary ay soo saartay sharci mamnuucaya wadaagista iskuuladda ee culuum ku saabsan dhiirigalinta khaniisnimada iyo isbeddelka jinsiga.

Si kastaba ha noqotee, iyadoo UEFA ay fahamsan tahay tilmaanta, guddiga maamulka kubbadda cagta Yurub ayaa soo jeediyay in kulamo kale oo garoonka ka dhacaya lagu shidi karo Qaansa-roobaadka, halkii laga shidi lahaa maalinta axadda oo ay la cayaarayaan Hungary.

Abdihakim Olad

Read Previous

Real Madrid Oo Heshiis La Gaartay Erling Haaland

Read Next

Waa Maxay Rikoorka Uu Dhigay Luka Modric?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?