Real Madrid Oo Heshiis La Gaartay Erling Haaland

Kooxda Real Madrid ee dalka Spain ayaa talaabo u jirsatay saxiixa Erling Haaland kaddib markii ay heshiiska shaqsiga ah la gaareen 20 jirka kooxda Borussia Dortmund.

Real Madrid ayay haatan tahay inay bixiso keliya lacagta ay Borussia Dortmund dalbanayso ee €175 milyan si ay u helaan adeega xiddigan.

Xiddigan ayaa lagu geli karaa keliya £75 milyan xagaaga soo aaddan taas oo dhalineysa in kooxaha daneeynaya ay ka caga jiidaan saxiixiisa.

Haaland ayaa ku jira halka ugu sarreeya ee liiska qaar kamid ah kooxaha ugu waaweyn qaaradda Yurub, iyadoo Chelsea, Manchester United, Manchester City iyo Barcelona ay dhammaantood ka fiirsanayaan inay u dhaqaaqaan xiddigan.

Heshiis kasta oo lagu doonayo saxiixa Haaland wuxuu noqon karaa mid lacago fara badan kaga baxa kooxda dooneeysa iyadoo lacagta saxiixiisa oo ay Dortmund dalbaneyso ay aad uga sarreeyso filashooyinka iyo awoodda qaar kamid ah kooxaha xiiseeynaya wallow Real Madrid oo haatan heshiiska shaqsiga ah la gaartay xiddigan ay sidoo kale tahay inay bixiso mushaharka uu dalbanayo oo lagu sheegay in ka badan 600,000 toddobaadkii haddii aay awoodaan inay Dortmund la afgartaan qiimaha kala wareeggiisa.

Abdihakim Olad

Read Previous

“Kulankii Cumaan Waxaa Naga Badiyay Xiriirka Kubbada-cagta Soomaaliya”

Read Next

UEFA Oo Kasoo Horjeesatay Dalabkii Qaansa-roobaadka Ee Allianz Arena

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?