“Kulankii Cumaan Waxaa Naga Badiyay Xiriirka Kubbada-cagta Soomaaliya”

Xulkeena qaranka Soomaaliya oo guuldarro 2:1 kasoo gaaray xulka Cumaan kulankii is reeb-reebka tartanka FIFA Arab Cup 2021 ayaa soo bandhigay qaab cayaareed aad u heer sarreeya inkastoo taasi aanay kahor joogsan in qaar kamid ah xiddigihii hormuudka u ahaa xulka ay farriimo dhaliil ah u jeediyeen xiriirka kubbada-cagta Soomaaliya.

Daafac Axmed Saciid oo ku magac dheer Casaanyo ayaa xiriirka Kubbada-cagta Soomaaliya farriin kulul hawada u mariyay isagoo carabka ku adkeeyay ‘in aanay Cumaan ka badin ee Xiriirka Kubadda-Cagta Soomaaliya ay naga badiyeen”

Wuxuu qoraal uu soo dhigay bartiisa Instagramka ku yiri:

“Aad baan uga niyad jabsanahay natiijada maanta, wiilasha waxey u shaqeeyeen si adag, waxaan u qalanay wax intaas ka badan, maanta guuldaro kalama kulmin Cumaan, waxaan guuldaro kala kulanay xiriirka kubadda cagta Soomaaliya (SFF) Muddo 18 bilood ah wax tababaro ah ma heysan, labadii maalmood ugu dambeysay ayaan 2-jeer tababar sameynay, Sideed nooga rajeyneysaa inaan ula tartano wadamo sida Cumaan oo kale ah, kuwaas oo shan kulan ciyaaray labadii isbuuc ee ugu dambeysay?

Soomaaliya Ha Noolaato”

Waxaa sidoo kale farriin u diray xiriirka kubbada-cagta Soomaaliya kabtan Cabdulsamed Axmed Cabdullaahi oo kulanka kaddib la hadlay saxaafadda.

“Waxaan ku dhowaad 2 sanno ku jirnay hakad ku aaddan cayaaraha rasmiga ah. Cayaartooyda waxay doonayaan inay cayaaraan, cayaartooyda Soomaaliya waxay rabaan inay cayaaraan, wadankeena wuxuu leeyahay dhibaatooyin badan laakiin kubbada-cagta ayaa qof walba isku keeni kara. Haatan waa xilligii ay xiriirka kubbada-cagta ee Soomaaliya ay ka jawaab celin lahayd oo ay nasiin lahayd qorsho wanaagsan oo aan kubbada-cagta ku horumarin karno. Waad aragteen waxaan garoonka ku sameeynay waxaana sii wadi doonnaa inaan wadankeena u dagaalanno. Waan jecelnahay wadankeena.”

Abdihakim Olad

Read Previous

Lionel Messi Oo Si Layaab Leh Kaga Farxiyay Mid Kamid Ah Taageerayaashiisa

Read Next

Real Madrid Oo Heshiis La Gaartay Erling Haaland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?