Arsenal Oo Isku Diyaarineysa Inay Dalab Ka Gudbiso Aouar

Arsenal ayaa dhowaan u dhaqaaqi karta saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lyon ee Houssem Aouar xagaagii 2-aad oo xiriir ah iyadoo xiddigan qayb uga dhigeysa dib u habeyn weyn oo kooxda lagu samaynayo, xilli ay rajo ka qabto in kooxda reer Faransa oo ku fashilantay usoo bixitaanka Champions League ay ku qasbi karto qiimaha xiddigooda inuu hoos uga dhaco kii sannadkii hore.

Aouar ayaa door weyn ka ciyaaray in kooxda Lyon ay si lama filaan ah ku gaarto semi-finalka Champions League xilli ciyaareedkii 2019/20, iyaga oo soo reebay kooxaha Juventus iyo Manchester City.

Saamaynta uu halkaas ku yeeshay ayaa keentay in la isla dhexmarayo saxaafadda inuu ka tegayo kooxdiisa Lyon xagaagan oo uu ku biirayo koox weyn oo tayaddiisa uu ku horumarin karo.

Houssem Aouar waa cayaaryahan ka cayaara khadka-dhexe ee weerarka oo leh aragti, xirfad iyo hal abuurnimo sidoo kalena ah nooca kubbadasameeye ee goolasha dhaliya waxaana kooxda Arsenal saxiixiisa uu u noqon karaa mid weyn maadaama ay in muddo ah ku raadjoogaan adeegiisa.

Lyon ayaa xiddigan ku qiimeeysa 55 milyan oo ginni, Arsenalna waxay xiddigan ku dooneeysaa 35 milyan oo ginni. Inkastoo aanay haatan kooxda Arsenal dalab rasmiga ah gudbin haddana weli ma cadda jawaabta laga heli karo Lyon oo ay u badantahay in dalab ka jaban kii ay dalbanaysay ay aqbali karayso haddii laga soo gudbiyo xiddigooda.

Kooxda Arsenal ayaa maalgelin weyn ku sameeyneeysa suuqa kala iibsiga xagaagan, iyadoo lasoo wariyay in macalin Arteta gacanta laga saarayo 250 milyan oo ginni qorsho lagu doonayo in ugu yaraan 5 cayaaryahan kooxda ay lasoo saxiixato.

Abdihakim Olad

Read Previous

Kooxdii Ugu Adkeyd Soomaaliya Waayahan Oo Nasiibku Ka Hiiliyay

Read Next

Ramos Oo Ku Biiraya Manchester United Haddii…..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?