Man City Oo Dalabkii Ugu Horreeyay Uguna Dambeeyay Ka Gudbineysa Harry Kane

Go’aanka Kane ee ah inuu ka tago Tottenham wuxuu ahaa mid kamid ah siraha qarsoon ee ugu xun kubbada-cagta, iyadoo kabtanka Ingiriiska uu dhowaan si cad u qirtay inuu doonayo inuu u dhaqaaqo koox kale si uu ugu guuleysto koobab.

Manchester City ayaa muddo dheer lagu tilmaamayay inay Kane ka dhigtay bartilmaameedkooda ugu horreeya maadaama ay raadinayaan beddelka Sergio Aguero, iyadoo The Star ay soo warisay in xiisahooda uu weli sii jiro – laakiin diyaar uma ahan inay ku sii jeedaan gorgortanka Kane, Waxaana la sheegay inay doonayaan inay heshiiska si dhakhso leh u soo afjaraan, isla markaana ay hal dalab oo keliya ka gudbin doonaan.

City ayaa la filayaa inay dalab 100 milyan oo ginni oo ah ‘qaado ama iska dhaaf’ u gudbiso kooxda Tottenham si ay uga hesho Harry Kane marka uu dhammaado tartanka Euro 2020.

Qiimaha Tottenham ay ku doonayso Harry Kane wuxuu ku dhowyahay £ 150 Milyan, si kastaba ha noqotee, haddii Tottenham ay iska diidaan dalabka £100ka Milyan oo ah dalabkii ugu horreeyay ee City, kooxda heysata horyaalka Premier League Ingiriuska ayaa la filayaa inay u dhaqaaqdo bartilmaameedyo kale.

Abdihakim Olad

Read Previous

Griezmann: Ronaldo Dhiirogelin Ayuu Ii Yahay

Read Next

Siad Haji Oo Aanan Kasoo Muuqan Xulka Soomaaliya Ee Wajahaya Cumaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?