Labadii Qalad Uu Sameeyay Goolhaye Mustaf Ee Xulka Lagu Ciqaabay Qeybta Hore | Oman 2:0 Somalia

Xulka qarankeenna Soomaaliya ayaa kulan Isreebreeb ah kula cayaaraya xulka Cumaan dalka Qatar waxaana qeybta hore ee kulanka uu kusoo idlaaday 2:0 oo Soomaaliya lagu hoggaaminayo.

Xulka Cumaan ayaa billoowgii cayaarta u muuqatay kuwo halis badan abuuraya kaddib markii iyadoo cayaaryahanka garabka middig ee weerarka uga cayaara ee Muhsen Al-ghassani uu birta laad ku dhuftay billoowgii cayaarta kahor inta aanu goolka furritaanka dhalin kaddib kubbad uu goolhaye Mustaf Nakuuja iska saaray.

Daqiiqaddii 36aad ee cayaarta, goolhaye Mustaf Nakuuja ayaa marka kale gool horseeday isagoo qalad ku galay gooldhaliyihii hore ee Muhsen Al-ghassani taasoo dhalisay in rigoore lagu abaalmariyo Cumaan markaasoo Abdulaziz Al-muqbali uu dhexda ka toogtay goosha.

Goolhaye Mustaf waxa uu u muuqdaa mid qalqal uu ku furanyahay waxaana caddeeyn u ah qaladaadka uu sameeynayo, xitaa baasaska dhaadheer ayuu awoodi la’yahay inuu hagaajiyo.

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa u muuqday kuwo ku raaxeeysanaya kubbad heysashada oo si heersarreeysa kaga cayaar wanaagsan Cumaan balse waxaa ka maqnaa isku xirka weerarka iyo khadka-dhexe wallow ay daafacyadda iyo khadka-dhexe soo bandhigeen bandhig sarreeya haddana ma aysan awoodeeyn inay sameeyaan isku xir weerar oo joogto ah waxaana si naadir ah loo arkayay weeraryahannada oo kubadaha helaya islamarkaana halis gelinaya dhinaca Cumaan.

Keliya kabtan Cabdulsamed Abdulaziz oo khadka-dhexe ka safta ahna kabtanka xulkeena ayaa bartilmaameedka keliya ee xulkeena goosha ku hagaajiyay dhammaadka qeybtii hore ee cayaarta balse laadkiisii ma ahayn mid halis galin karay goolhayaha Cumaan oo qeybaha dhexe ee goosha ayay isagoo taagan ugu timid.

Wax walbaba. Nasiib wacan ayaan u rajeyneynaa xulkeena.

Garsoore Sports

Abdihakim Olad

Read Previous

Siad Haji Oo Aanan Kasoo Muuqan Xulka Soomaaliya Ee Wajahaya Cumaan

Read Next

Kooxdii Ugu Adkeyd Soomaaliya Waayahan Oo Nasiibku Ka Hiiliyay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?