Kooxdii Ugu Adkeyd Soomaaliya Waayahan Oo Nasiibku Ka Hiiliyay

Xulka kubbada-cagta Soomaaliya ayaa guuldarro kasoo gaartay xulka Oman kulankii ka tirsanaa is reebreebka tartanka FIFA Arab Cup ee dalka Qatar.

Cumaan ayaa 2 gool oo ay qeybtii hore dhalisay uga filnaatay guushii ay ka gaareen xiddigaha Ocean Stars oo sameeyay mid kamid ah bandhigyadii ugu quruxda badnaa waayahan ee xulka Kubbada-cagta Soomaaliya cayaar kusoo idlaatay 2:1.

Laba qalad ee uu sameeyay goolhaye Mustaf Nakuuja qeybtii hore ee cayaarta ayay Cumaan goolal u rogeen iyadoo qeybtii dambe uu goolka rajada uu xulka u dhaliyay daafac Abel Gigli.

Goolka 1aad ee Cumaan ayaa ahaa laad uu dhaliyay weeraryahan Muhsen Al-ghassani oo Oman ka tirsan kaddib markii uu kubbad uu iska soo bixiyay Mustaf Nakuuja goosha la abaaray.

Cumaan ayaa goolka labaad sidoo kale uga mahadcelisay goolhaye Mustaf Nakuuja oo qalad ku galay gooldhaliyihii 1aad ee cayaarta markaasoo Abdulaziz Al-muqbali oo Oman ah uu dhexda ka toogtay rigooradii uu helay si uu hoggaanka xulkiisa usii dheerreeyo.

Qeybtii labaad ee cayaarta ayaa la isku soo laabtay, Soomaaliya ayaana heshay goolka rajo soo celinta ee kulanka waxaana shabaqa teesto qurux badan ku hubsaday daafac Abel Gigli oo Talyaaniga looga yeeray xulka.

Goolkaa kaddib waxaa jirtay xaaladdo la filan karay in xulka qaranka Soomaaliya ay keeneeyso goolka barbarraha haseyeeshee ma aanay dhicin taasi, dhammaadkii cayaarta oo ay dardar badnaayeenna waxaa fursad dahabi ah helay weeraryahan Anwar Shakunda oo beddel kusoo galay cayaarta balse goolhayaha Oman ayaa ka diiday inuu ka dhaliyo islamarkaana kusoo baxay oo kubbada ka qabsaday .

Siddaas ayaana xulka Soomaaliya looga adkaaday.

Cayaaryahanada Xulka Soomaaliya ayaa soo bandhigay bandhig ilqabad leh guud ahaan kulanka marka lagasoo tago labadii qalad ee uu sameeyay goolhaye Mustaf Nakuuja, inkastoo isagu laftiisa uu wasaqda iska meyray qeybtii dambe markaasoo uu soo bandhigay bandhig aad u heer sarreeya isla markaana badbaadiyay isku deyo dhowr ah – waxaa dheerreyd mar uu si qurux badan ugu gooyay mid kamid ah cayaaryahannada xulka Cumaan sidoo kale wuxuu si muuqato usoo bandhigay kalsooni heer sarreeysa isagoo baasas qurux badan ku bixinayay lug iyo gacanba.

Cayaaryahanka hadalheynta ka dhaliyay baraha bulshada waa kabtanka xulka qaranka Soomaaliya Cabdisamad Abdullaahi Axmed oo noqday cayaaryahan ka dhex muuqday xulka iyo garoonkaba isagoo khadka-dhexe ka qabsaday xulka Cumaan qeyb weynna ka qaatay luuqda iyo laxanka cayaartii Xulkeena.

Kaddib guushan Cumaan waxay u gudbeysaa wareegga guruubyada ee tartanka FIFA ARAB CUP 2021 oo markii ugu horreeysay la qabanayo laguna qabanayo dalka Qatar.

Abdihakim Olad

Read Previous

Labadii Qalad Uu Sameeyay Goolhaye Mustaf Ee Xulka Lagu Ciqaabay Qeybta Hore | Oman 2:0 Somalia

Read Next

Arsenal Oo Isku Diyaarineysa Inay Dalab Ka Gudbiso Aouar

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?