Griezmann: Ronaldo Dhiirogelin Ayuu Ii Yahay

Cristiano Ronaldo ayaa dhiirigalin u ah weeraryahan Antoine Griezmann, kaasoo hoggaamin doona safka xulka Faransiiska ee kulanka Portugal Arbacadda soo aaddan.

Cristiano Ronaldo waa “isha dhiirogelinta qof walba”, sida uu ku waramay weeraryahanka reer France Antoine Griezmann.

Faransiiska ayaa wajihi doona xulka Burtuqiiska ee Ronaldo kulankooda ugu dambeeya Group F ee Euro 2020, taas oo ah ku celiskii finalka Euro 2016.

Labada kooxba waxay cayaareen sabtidii laakiin way ka hooseeyeen filashooyinkii ay doonayeen. Faransiiska ayaa kaliya barbarro 1-1 la gashay Hungary kulankii ka dhacay Budapest, halka Burtuqiiska ay wajahday guuldarro 4-2 oo kasoo gaartay Jarmalka.

Kahor kulanka Burtuqiiska iyo Jarmalka ee axadda, Griezmann ayaa amaan ugu qubeeyay Ronaldo – iyo sidoo kale saaxiibkiis Barcelona Lionel Messi – isagoo ku sheegay inay yihiin awood uu dhiirigelin ka helo.

Muxuu yiri ?

Griezmann wuxuu yiri: “Isagu waa il dhiirogelin u ah qof walba”

“Waa wax aan caadi aheyn waxa uu ku sameeynayao da’da 36 jirka. Isaga iyo Messi, ma jiri doono qof iyaga la mid ah, nasiib ayaan ku yeelanay inaan kula kulanno garoonka.”

“Waa cayaaryahan dhammeystiran, wuxuu tusaale u yahay dhammaan dhalinyarada iyo waayeelka, wuxuu tusayaa wado ku dayasho leh dhalinyaro badan”.

Abdihakim Olad

Read Previous

Sawirro: Tababarkii Ugu Dambeeyay Ee Xulka Kahor Kulankooda Berrito Ee Cumaan.

Read Next

Man City Oo Dalabkii Ugu Horreeyay Uguna Dambeeyay Ka Gudbineysa Harry Kane

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?