Warbixin Kooban Oo Ku Saabsan Taariikhda Garoonka Muqdisho

Garoonka kubbadda cagta Muqdisho oo ah guriga xulka qaranka Soomaaliya, waxaa la dhisay sannadka markuu ahaa 1977-kii waxaana dalka Soomaaliya u dhistay dowladda Shiinaha.

Garoonku wuxuu marti geliyay cayaaro badan oo isugu jira kuwo qaaradeed, kuwo heer caalami ah, cayaraha bariga iyo bartamaha Africa iyo sidoo kale cayaaraha Carabta. Cayaartii ugu horreysay ee lagu qabtay garoonka Muqdisho waxay dhexmartay qaranka Soomaaliya iyo koox ka socotay dalka Shiinaha oo la yiraahdo Leonen, waxaana ay ahayd cayaartii lagu furay garoonka. Sidoo kale tartankii CECAFA ee ugu horreeyay ee garoonka lagu qabtay wuxuu ahaa koobka qaramada ee CECACA.

Markii dagaalladu ay ka qarxeen dalka Soomaaliya sannadkii 1991-kii, garoonka Muqdisho wuxuu kamid noqday xarumo muhiim ah oo dagaalada ku xirmay ama ku burburay. Mudadii u dhexeysay 1993-1995-kii waxaa garoonka daganaa oo isaga dambeeyay ciidamadii Mareykanka iyo kuwii Pakstan ee dalka Soomaaliya u joogay howlgalkii nabad ilaalinta ee fashilka ku dhamaaday.

Kaddib bixitaankii ciidamadii UN-ka waxaa garoonku dib ugusoo laabtay gacanta xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya. Qeybihii dambe ee sanadkii 1995-kii waxaa garoonka dib uga furmay cayaaraha kubbadda cagta, waxana tartankii ugu horeeyay burburka kaddib ee lagu qabto garoonka Muqdisho uu ahaa tartankii loogu magac daray IFTIINKA NABADDA, kaas oo daba socday tartankii ka horeeyay ee loogu magac daray KOOBKII RAJO SOO CELINTA ee lagu qabtay garoonka Banaadir.

Markaa kaddib tartamadu si caadi ah ayay ugasii dhacayeen garoonka Muqdisho, ilaa laga gaaray 2004-tii oo horyaalkii ugu dambeeyay lagu qabtay, waxaana horyaalkaas ku guuleysatay naadigii la oran jiray Banaadir Telecom oo hada loo yaqaano MCC. Tartankaas oo ay ka qeyb galeen 8 kooxood ayaa muddadii uu socday waxaa guud ahaan la dhaliyay 109 gool, waxaana gool dhalinta sanadkaas ku guuleystay cayaaryahan Maxamed Nuur Cabdi (Shaarkeey).

Kooxihii xilligaas ka qeyb galay horyaalka dalka waxay kala ahaayeen: Banaadir Telecom oo hadda ah MCC, Elman, SITT oo hadda ah Saxafi FC, Dekedda, Suppershel oo hadda ah Gaadiidka,Feynuus oo hadda noqotay Horseed, Badbaado iyo Gasco.

Muddadii u dhexeysay 2007-2009 waxaa garoonka dagay ciidamadii Itoobiyaanka ee caawinayay dowladda Soomaaliya, laakin dhamaadka bishii Janaayo ee sanadkii 2009 ayaa waxaa garoonka la wareeyay qolyaha Islaamiyiinta oo daganaa tan iyo 6-dii Agoosto 2011-kii, xilligaas oo ay hadana dageen ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya.

Ugu dambeyn waxaa ciidamada AMISOM ay garoonka isaga bexeen 28-kii Agoosto sannadkii 2018-kii xilligaas oo ay ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliyeed la wareegeen amaankiisa. Dib u dhis ayaa dhowaan lagu sameeyay garoonka wuxuuna dib ugusoo laabtay gacanta shacabka iyadoo loo adeegsanayo ujeedooyinkii markii hore loo dhisay oo ahaa in lagu horumariyo kubbadda-cagta Soomaaliya.

Xigasho: Xiriirka Kubbada-cagta Soomaaliya

Abdihakim Olad

Read Previous

France Ma Dooneyn Laporte Laakiin Spain Nasiib Ayay Leeyihiin Inay Heystaan Isaga

Read Next

RASMI: Barcelona Oo Ku Dhawaaqday Saxiixa Memphis Depay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?