“Waxaan Sameeynayaa Waxaan Doono” – Southgate Oo Farriin Culus U Diray Taageerayaashii Careysnaa Kulankii Scotland

Tababaraha xulka qaranka Ingiriiska ee Gareth Southgate ayaa difaacay qaabkii uu u wajahay kulankii xulkiisa ay barbarraha 0-0 ah la galeen dhiggooda Scotland, inkastoo uu qirtay in kooxdiisu aysan meelna uga dhowaan heerka ay awoodaan.

Saddexda Libaax ayaa kaddib guushii adkayd oo ay ka gaareen xulka Croatia kulankoodii ugu horreeyay ee Euro 2020 waxaa u xigay is mari waagii Scottishka habeenkii jimcaha, iyada oo Southgate uu la kulmay dhaleecayn ah in uu doortay laba xiddig oo khadka dhexe ah oo uu mar kalena kaydka uga tagay Jack Grealish.

Southgate ayaa qirtay in Ingiriiska ay u baahan tahay inay si fiican u horey ugu dhaqaajiso kubbada, laakiin wuxuu ku adkeystay go’aankiisa ah in uusan ku dhaqaaqin shax ku cusub marxaladaha ugu dambeeya ee tartanka wuxuuna ugu yeeray taageerayaasha inay ku kalsoonaadaan kooxda.

Muxuu ku waramaya?

“Waa cayaar aan ku dhicin heerarkii aan dooneynay, ama aan u baahannahay, waana inaan aqbalnaa wax walba oo nagu soo wajaha, waa inaad aqbashaan wax kasta oo igu soo dhaca, gabi ahaanba waan fahansanahay taas, laakiin waxa aan u baahanahay samee”

“Waxaa jira cayaartoy badan oo da’yar oo u baahan taageerada qof walba – intooda badan kuma aanan soo darin kulan sidan oo kale ah, wax badan ayey baran doonaan oo dib ayey uga soo kaban doonaan, laakiin waxay u baahan yihiin qof walba uu iyaga ka dambeeya, ku kalsoonaada kooxda.”

Abdihakim Olad

Read Previous

Macalinka Jarmalka Oo Tababar Adag & Dardaaran Siiyay Cayaartooydiisa Kahor Kulanka Portugal

Read Next

France Ma Dooneyn Laporte Laakiin Spain Nasiib Ayay Leeyihiin Inay Heystaan Isaga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?