Soomaaliya Haddii Ay Ka Adkaato Cumaan, Guruubkee Ayay Ka Cayaareeysaa, Yaase Ku Wehliya?

FIFA ayaa si rasmi ah u shaacisay isku aadka wareega group-yada FIFA Arab Cup 2021 iyadoo xulka Soomaaliya loo sii sheegay group-ka ay ka dheeli doonaan haddii ay ka soo gudbaan kulanka isreebreebka ee ay la balansanyihiin xulka Cumaan.

14ka xul ee ugu qiimeynta hooseeya wadamada carabta ayaa isreebreeb soo galaya kahor inta aysan ka qeyb gelin koobka Arab Cup 2021 oo ka dhacaya dalka Qatar sannadkan.

Haddii Soomaaliya ay ka soo gudubto Cumaan waxay qeyb ka noqon doontaa Group A oo ay kula wehliyaan xulka martigeliyayaasha Qatar, Iraq iyo xulkii soo baxa Bahrain ama Kuwait.

Wadanka aanu walaalaha nahay ee Jabuuti haddii ay kasoo gudbaan Lubnaan waxay geli doonaan Group D oo ay sidoo kale ku jiraan Algeria, Masar iyo xulkii soo baxa Sudan ama Libya.

Soomaaliya waxay isreebreebka la dheeli doontaa Oman halka xulka Jabuuti ay isreebreebka la balansan yihiin xulka Lubnaan.

Xigasho: Laacib.net

Abdihakim Olad

Read Previous

RASMI: Barcelona Oo Ku Dhawaaqday Saxiixa Memphis Depay

Read Next

Sawirro: Tababarkii Ugu Dambeeyay Ee Xulka Kahor Kulankooda Berrito Ee Cumaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?