RASMI: Barcelona Oo Ku Dhawaaqday Saxiixa Memphis Depay

Iyadoo qandaraaskiisa Lyon uu dhacayo dhammaadka bisha June, xiddiga reer xulka Netherlands Memphis Depay ayaa ogolaaday inuu u dhaqaaqo kooxda ka dhisan LaLiga ee Barcelona.

Memphis Depay ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyay inuu ku biiray kooxda Barcelona, iyadoo weeraryahanka reer Holland uu si xor ah ugasoo wareegay kooxda Lyon ee dalka Faransiiska.

Wuxuu Barca u saxeexi doona heshiis 2 sanno ah kaddib marka uu dhaco heshiiskii Lyon 30 bishan Juun.

Depay wuxuu ku gudajiraa waajibaadka xulkiisa qaranka Netherlands, kaddib guushii 2-0 ah oo uu ka rigoore kaga dhaliyay xulka Austria khamiistii ayaa ka caawisay inay xaqiijiyaan booskooda koowaad ee Group B tartanka Euro 2020.

Marka ololaha Netherlands ee Euro-ga uu dhammaado, Depay wuxuu si toos ah ugusoo duuli doonaa magaalada Barcelona si uu hoygiisa cusub u barto marka ay isku diyaarinayaan ololahooda sannad cayaareedka 2021-2022.

Abdihakim Olad

Read Previous

Warbixin Kooban Oo Ku Saabsan Taariikhda Garoonka Muqdisho

Read Next

Soomaaliya Haddii Ay Ka Adkaato Cumaan, Guruubkee Ayay Ka Cayaareeysaa, Yaase Ku Wehliya?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?