Wembley Oo Halis Ugu Jira Inuu Seego Martigelinta Fiinaalka Euro 2020

Magaaladda London waa mid ka mid ah 11 magaalo oo martigalinaya Tartanka Qaramada Yurub 2020 waxaana lagu wadaa inay martigeliso kulanka Ingiriiska ay la ciyaarayaan Scotland jimcaha, iyagoo durbaba hoy u noqday guushoodii 1-0 ay ka gaareen Croatia Isniintii.

Wembley ayaa lagu wadaa inuu door weyn ka cayaaro sida uu tartanku u socdo: marka lagu daro seddexdiisa kulan ee heerka guruubyada, waxay qarka u saaran tahay inay martigeliso laba wareeg oo kulamada 16ka ah, labada semi-finalka iyo finalka 11ka luulyo.

UEFA, si kastaba ha ahaatee, waxaa la rumeysan yahay inay ka walaacsan tahay u qalmitaankeeda ah inay noqoto goob martigelin u ah heerarka dambe ee tartanka.

Sida lagu soo warramay wargeysyo kala duwan, oo ay ku jiraan The Times iyo ESPN, xeerka karantiil ee tobanka maalmood ee Boqortooyada Midowday ee UK iyo booqdayaasha dibedda ayaa sabab u noqanaya in guddiga maamulku tartanka uu tixgeliyo xulashooyinkiisa.

Sida ay wax yihiin, sagaal ka mid ah 11-ka magaalo ee martida loo yahay ayaa isku raacay in laga dhaafo shuruucda karantiil ee kuwa safraya si ay uga qeyb galaan cayaaraha. waxaa ka mid ah taageerayaasha haysta tikidka, weriyeyaasha, kafaala qaadayaasha, saraakiisha iyo qof kasta oo galaangal u leh.

UEFA ayaa ka cabsi qabta inay ka hor istaagto taageerayaasha inay u safraan Ingiriiska, iyadoo Wembley lagu wado inay 50% martigelin karto kulamada bug baxa ah, waxay doonayaan inay ku dhiirigeliyaan dad badan inay kasoo qeyb galaan. Waxay ka codsadeen Dowladda UK inay tixgeliso siddii loo fasixi lahaa sharciyadda karantika, haddii ay ku guuldareystaanna semi finalka iyo finalka waxaa lagu qaban doonaa meelo kale.

Abdihakim Olad

Read Previous

Xiriirka Kubbada-cagta Soomaaliya Oo Shaqada Ka Ceyrisay Tababarihii Xulka Ee Reer Morocco

Read Next

Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad Ee Xiriirka K/cagta Soomaaliya Oo Ka Qeybgalay Doorashada Hoggaanka Xiriirka Kubbada-cagta Carabta

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?