Pavard: Waxaan Suuxsanaa 15 Ilbiriqsi

Daafaca xulka kubbada-cagta Faransiiska Benjamin Pavard ayaa shaaca ka qaaday inuu suuxsanaa “10 ilaa 15 ilbiriqsi” kahor inta uusan kusoo laaban garoonka ciyaartii xulkiisa Faransiiska ay 1-0 kaga badisay Jarmalka Euro 2020.

Pavard ayuu dhaawac madaxa uu soo gaaray kaddib markii ay isku dheceen ciyaaryahanka reer Jarmal Robin Gosens iyadoo kooxda heysata horyaalka adduunka ee Faransiiska ay guul ku furatay ololahooda Group F talaadadii.

Daafaca Faransiiska Pavard ayaa lagu dhaafay meeshii uu ku dhacay kahor inta uusan daaweyn dhowr daqiiqo ah ku qaaddan kulankii magaalada Munich, halkaas oo ugu dambeyntii loogu ogolaaday inuu sii wato xilli gool uu Matt Hummels iska dhaliyay looga adkaaday Jarmalka.

“Waxaan qaatay cadaab naxdin leh,” Pavard ayaa u sheegay beIN Sports ciyaarta kaddib.

“Wax yar ayaan suuxsanaa, qiyaastii 10 ilaa 15 ilbiriqsi. Intaa kaddib, waan fiicnaaday.”

Abdihakim Olad

Read Previous

UEFA Oo Baareeysa Dhacdadii ‘cunsiriyadda’ ee Arnautovic

Read Next

RASMI: Kulan Cayaareedyada Horyaalka Ingiriis Premier League 2021/2022 Oo La Shaaciyay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?