Navas Oo Lala Xiriirinayo United, Juve Iyo Milan

Goolhayaha kooxda Paris Saint-Germain Keylor Navas ayaa xiiso ka helaya kooxaha Manchester United, Juventus iyo Milan sida ay qortay jariirada Marca.

Mustaqbalka Navas ayaa shaki ku jiraa, iyadoo PSG lagu soo waramayo inay qarka u saaran tahay inay lasoo saxiixato xiddiga AC Milan Gianluigi Donnarumma oo ay kula soo wareegeyso si xor ah.

Tani waxay imaaneysaa inkasta oo laacibka reer Costa Rica ee Navas uu qandaraaska u kordhiyey PSG illaa bisha Abriil 2024 .

Navas wuxuu dareemay inuu hoos uga dhacay dooqa xulashada markii uu joogay Real Madrid oo ay lasoo saxiixatay Thibaut Courtois sannadkii 2019.

Wuxuu wajahayaa xaalad taas lamid ah haatan oo uu joogo kooxda Paris Saint-Germain, kuwaasoo isku dayaya inay Gianluigi Donnarumma usoo jiidaan dhinaca caasimadda Faransiiska.

Abdihakim Olad

Read Previous

Arsenal Oo Laga Soo Diiday Dalabkii Ay Ka Gudbiyeen Khadka-dhexe Ee Anderlecht

Read Next

UEFA Oo Baareeysa Dhacdadii ‘cunsiriyadda’ ee Arnautovic

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?