Dean Henderson Oo Laga Saaray Xulka Ingiriiska Ee Tartanka Qaramada Yurub

Goolhayaha Manchester United Dean Henderson ayaa laga saaray xulka Ingiriiska ee tartanka Euro 2020 sababo la xiriira dhaawac sinta ah waxaana lagu beddeli doonaa goolhayaha Sheffield United Aaron Ramsdale.

Dhibaatada sinta ayaa sii wadi doonta inay xaddido awooda Henderson ee tababbarka inta ka hartay tartanka sidaas darteed go’aan ayaa laga gaaray isaga kaasoo ah in gabi ahaanba ka laga saaro kooxda.

Inkasta oo liiska cayaartooyda xulalka uga qeybgalaya tartanka Euro-ga lasoo bandhigat kahor inta aanu tartanka bilaaban, haddana sharciyada UEFA wuxuu oggolyahay in goolhayayaasha in la beddelo haddii ay timaado sababo caafimaad marxalad kasta oo tartanka uu marayo.

Abdihakim Olad

Read Previous

Barcelona Oo Xiiso U Muujisay De Ligt

Read Next

Arsenal Oo Laga Soo Diiday Dalabkii Ay Ka Gudbiyeen Khadka-dhexe Ee Anderlecht

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?