Barcelona Oo Xiiso U Muujisay De Ligt

Barcelona ayaa isha ku heysa saxiixa daafaca Juventus Matthijs de Ligt, sida laga soo xigtay Le10 Sport.

Kooxda LaLiga ka dhisan ee Barca ayaa durbaba keentay labada ciyaaryahan ee Manchester City Sergio Aguero iyo Eric Garcia, halka sidoo kale la sheegayo inay xiiseynayaan Memphis Depay oo ka tirsan Lyon iyo da’yarka Borussia Dortmund Erling Haaland.

Laakiin waxaa la sheegayaa inay si gaar ah u xiiseynayaan inay sii xoojiyaan daafacooda marka laga soo tago imaatinka Garcia, inkastoo ay tartan kala kulmi karaan saxiixa De Ligt – Manchester United ayaa muddo dheer lala xiriirinayay ciyaaryahanka reer Netherlands.

Abdihakim Olad

Read Previous

Suuqa: Wararkii Ugu Dambeeyay Maanta & Xanta Suuqa

Read Next

Dean Henderson Oo Laga Saaray Xulka Ingiriiska Ee Tartanka Qaramada Yurub

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?