Lingard Oo Doonaya Inuu Sii Joogo United

Jesse Lingard ayaa u sheegay kooxda Manchester United inuu doonayo inuu kusii jiro diiwaankooda xilli ciyaareedka soo socda – sida ay qortay The Sun.

28 jirkaan ayaa soo bandhigay qaab cayaareed ifiya intii uu amaahda ku joogay kooxda West Ham ololihii 2020-21 kaddib markii uu hoos u dhacay safka xulashada ee kooxda ku cayaarta Masraxa Riyada.

Hammers ayaa dooneysa inay si toos ah Lingard ula soo saxiixato, laakiin cayaaryahankan khadka dhexe ayaa si cad u sheegay inuu doonayo inuu u dagaallamo booskiisa United kaddib markii uu wadahadalo mustaqbalkiisa ah la qaatay tababare Solskjaer.

Abdihakim Olad

Read Previous

Arsenal Oo Wadahadallo Kula Jirta Nabil Fekir

Read Next

Barcelona Oo Goordhow Ku Dhawaaqeysa Depay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?