Denmark Oo Maanta War Cusub Kasoo Saartay Xaaladda Eriksen

COPENHAGEN, DENMARK – JUNE 12: Christian Eriksen of Denmark goes down injured as team mates (L – R) Simon Kjaer, Andreas Christensen, Martin Braithwaite and Thomas Delaney call for assistance during the UEFA Euro 2020 Championship Group B match between Denmark and Finland on June 12, 2021 in Copenhagen, Denmark. (Photo by Martin Meissner – Pool/Getty Images)

Xulka kubbada-cagta Denmark ayaa war cusub kasoo saartay xaaladda kubbad-sameeye Christian Eriksen kaddib markii uu garoonka dhexdiisa ku dhacay kulankii shalay xulalka Denmark iyo Finland dhexmaray taasoo dhalisay in dunnida kubbada-cagta ay walwal badan ka qabato badqabkiisa.

Denmark ayaa warbixin cusub ka bixisay xaaladda Christian Eriksen kaasoo laga dhexqaaday garoonka qeybtii hore ee kulankii Denmark ay Group B xulka Finland kula cayaareen garoonka Parken Stadium ee magaalada Copenhagen galabnimadii Sabtida.

Eriksen wuxuu u baahday daaweyn caafimaad oo deg deg ah kaddib markii kubbad loo baasay uu dib ugu celiyay saaxiibkii islamarkaan dhulka ku dhacay.

Cayaarta ayaa la hakiyay kaddib kahor inta aan cayaaryahanka khadka dhexe bareelo looga saarin garoonka oo aan loo dirin isbitaalka halkaasoo markii dambe la ogaaday inuu soo jeedo oo uu ku jiro xaalad jireed oo deggan.

Maxaa la yiri?

Xiriirka Kubbada-Cagta Denmark ee loo soo gaabiyo (DBU) ayaa maanta soo saaray bayaan ay ku xaqiijinayaan in Eriksen uu kusii jiri doono isbitaalka si uu u maro baaritaano dheeri ah, laakiin wuxuu laxiriiray shaqaalaha qaranka iyo asxaabtiisa.

“Saaka waxaan la hadalnay Christian Eriksen, oo salaan u diray asxaabtiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka lagu daabacay bogga rasmiga ah ee DBU ee Twitter. ”Xaaladdiisa waa mid deggan, wuxuuna kusii jirayaa isbitaalka si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.”

Abdihakim Olad

Read Previous

TOOS: Belgium vs Russia | EURO 2020

Read Next

Arsenal Oo Wadahadallo Kula Jirta Nabil Fekir

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?