Mbappe Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa – Miyuu Sii Joogayaa PSG?

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa dooneysa inay Kylian Mbappe kula heshiiso qandaraas waqti dheer ah, laakiin xiddiga reer France ayaa ka dhawaajiyay inuu mustaqbalkiisa meel kale noqon karo.

Xiddiga Faransiiska ah wuxuu ku jiray qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkii 2020-21, markii kooxdiisa PSG ay ku guuleysatay Coupe de France iyo Trophee des Champions, dadaalkiisase kuma filneyn inuu ka caawiyo inay si guul leh ku difaacdaan horyaalkooda Ligue 1, ama hanashada tartanka Champions League.

Shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub, kaliya Robert Lewandowksi (48) ayaa dhaliyay goolal ka badan tartamada oo dhan marka loo fiiriyo Mbappe, kaasoo shabaqa soo taabtay 42 ka mid ah 47 kulan oo uu saftay, celcelis ahaanna wuxuu dhaliyaa gool 88.62 daqiiqo oo kasta.

Si kastaba ha ahaatee xiddigan oo aad loola xiriirinayo inuu ka tago kooxdiisa PSG ayaa su’aalo ka keenay mustaqbalkiisa Paris, isagoo shaaca ka qaaday inuusan hubin haddii kooxda reer France ay tahay meesha ku haboon isaga.

Muxuu yiri?

“Waxaan joogaa meel aan naftayda ka jeclahay, oo aan wanaag ku dareemayo. Laakiin halkan miyay tahay meesha iigu fiican aniga? Jawaabta wali ma hayo.” Ayuu yiri

“Waan ogahay in la’aanteey aysan kooxda la mid ahayn sidda ay hadda tahay”

Real Madrid ayaa si aad ah loola xiriirinayay Mbappe, iyadoo Carlo Ancelotti la weydiiyay suurtagalnimada ay kula soo saxiixan karaan ciyaaryahankan intii lagu gudajiray soo bandhigii tababarahan cusub isbuucii hore.

Weli waxaa laga dhur sugayaa haddii ay Madrid heli karto dhaqaalo ay kula soo wareegto Mbappe xagaagan, si kastaba ha ahaatee, kooxda heysata Premier League-ga ee Manchester City ayaa sidoo kale lagu xamanayay inay xiiseyneyso.

Abdihakim Olad

Read Previous

EURO 2020: 25ka Cayaaryahan Ee Ugu Sarreeya Oo Ay Tahay In La Daawado – Qeybta 2aad

Read Next

De Bruyne Oo Caawa Seegaya Kulanka Furitaanka Xulkiisa Belgium Ee Euro 2020

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?