De Bruyne Oo Caawa Seegaya Kulanka Furitaanka Xulkiisa Belgium Ee Euro 2020

Kubbad-sameeye Kevin De Bruyne ayaan u ciyaari doonin xulkiisa Belgium kulanka furitaanka group-ka B ee Tartanka Qaramada Yurub oo ay la ciyaarayaan xulka Russia.

De Bruyne ayaa qaadanaya tababar gaar ah kaddib qaliin looga sameeyay sanka iyo isha oo dhaawac uu kasoo gaaray fiinaalkii Champions League-ga.

Tababaraha xulka Belgium Roberto Martinez ayaa sheegay jimcihii inuu rajeynayo in cayaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City uu ku biiro tababarka buuxa ee kooxda marka cayaartooyda ay ku laabtaan xerada tababarka ee Tubize, oo u dhow Brussels, kaddib cayaarta Russia oo aanu cayaari karin.

Kulanka labaad ee Belgium ee Group B ayay wajihi doonaan xulka Denmark oo ay kula cayaarayaan magaalada Copenhagen khamiista, markaas oo la filayo in De Bruyne uu dib ugusoo laabto safka kooxda.

Abdihakim Olad

Read Previous

Mbappe Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa – Miyuu Sii Joogayaa PSG?

Read Next

Arsenal Qorsheyneysa Inay Dalab 50 Milyan Ah Ka Gudbiso Daafaca Xulka Ingiriiska

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?