Arsenal Qorsheyneysa Inay Dalab 50 Milyan Ah Ka Gudbiso Daafaca Xulka Ingiriiska

Kooxda Arsenal ayaa lala xiriirinayaa inay lasoo saxeexato xiddig u safta kooxda Brighton oo ah beddelkii loo yeeray ee daafaca Liverpool Trent Alexandre-Arnold oo xulka Ingiriiska ka dhawaacmay kahor Tartanka Euro 2020.

Gunners ayaa dooneeysa inay is xoojiso suuqan kala-iibsiga xagaaga waxaana ay indhaha ku heysaa saxiixyo dhowr ah kahor billaabashada Horyaalka Premier League-ga ololaha 2021-2022 iyadoo haatan lala xiriirinayo saxeexa 23 jirka xulka Three Lions.

Waxaa lagusoo waramayaa inay Arsenal isku diyaariso inay daafaca Brighton ee Ben White ka gudbiso dalab qiyaastii u dhaxeeya, sida ay qortay The Athletic.

Gunners sida muuqata aad ayey ugu qanacsan yihiin lacagtaas inay ku bixiyaan xiddigan, iyadoo kalsooni ku qabta inay heshiisyada shaqsiga ah xiddigan isku fahmi karaan.

Si kastaba ha ahaatee, daafacan dhexe, oo sidoo kale mararka qaar laga cayaarsiiyo khadka dhexe, ayaa lagu soo waramayaa in ay ceyrsanayaan kooxo dhowr ah oo waa weyn, waxaana laga yaabaa inay ku adkaato Arsenal inay saxiixiisa dhammeeystirto.

Abdihakim Olad

Read Previous

De Bruyne Oo Caawa Seegaya Kulanka Furitaanka Xulkiisa Belgium Ee Euro 2020

Read Next

TOOS: Wales vs Switzerland HD | EURO 2020

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?