Lewandowski Oo U Furan Inuu Ka Tago Bayern Iyo Riyadiisa Real Oo Rumoobi Karta

Kooxda Real Madrid ee dalka Spain ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo xiddiga reer Poland si uu beddel ugu noqdo haddii ay seegaan bartilmaameedkooda weeraryahanka Borussia Dortmund ee Erling Haaland sida ay qoreyso majaladda kasoo baxda magaalada Madrid ee AS.

Lewandowski ayaa u furan inuu ka tago Bayern Munich xagaagan, waxaana uu dalabyo ka helayaa kooxo badan oo waa weyn, oo ay ku jiraan Paris Saint-Germain iyo Manchester United.

Balse weeraryahanka riyadiisa ayaa marwalba waxay ahayd inuu u cayaaro Real Madrid, kooxda reer Spain-na waxay isku dayi kartaa inay taa ka dhabeyso haddii aysan heli weyso Erling Haaland.

Abdihakim Olad

Read Previous

Manchester United Oo Coman Ka Dhigatay Qorshaha 2aad Haddii Ay Seegto Sancho

Read Next

EURO 2020: 25ka Cayaaryahan Ee Ugu Sarreeya Oo Ay Tahay In La Daawado – Qeybta 2aad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?