Aston Villa Oo Ku Dhawaaqday Saxiixa Bartilmaameedkii Kooxda Arsenal

Kooxda Aston Villa ayaa xaqiijisay inay la soo saxiixatay ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Norwich City Emiliano Buendía kaasoo ay kula soo wareegeen adduun dhan 30 milyan oo ginni oo lagu daray lacag dheeri ah oo laga yaabo inay gaarto ilaa 40 milyan.

Buendía wuxuu in muddo ahaa bartilmaameed kooxda Arsenal ah balse Aston Villa oo mar dambe kusoo biirtay loolanka saxiixiisa ayaa ugu dambeyn ku guulleeysatay.

Waa cayaariyahankii ugu fiicnaa ee Norwich ee xilli-cayaareedkii dhowaa wuxuuna ka caawiyay inay ku guuleysteen Championshipka Ingiriiska oo ay usoo dallaacaan horyaalka Premier League-ga.

Wuxuu dhaliyay 15 gool isagoo isla markaana caawiyay 16 kale.

Xiddigan ayaa u saxiixay kooxdiisa cusub heshiis shan sano ah markii uu maray tijaabada caafimaadka kaddib kulankii isreebreebka Koobka Adduunka ee Argentina ay la ciyaareen xulka Colombia oo kusoo idlaaday barbarro 2:2 ah.

Abdihakim Olad

Read Previous

Man United Oo Laga Soo Diiday Dalabkii Ay Ka Gudbiyeen Jadon Sancho

Read Next

Manchester United Oo Coman Ka Dhigatay Qorshaha 2aad Haddii Ay Seegto Sancho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?