Ukraine Oo Loo Diidday Inay Xirtaan Funaanaddaha Qaranka Euro 2020 Haddii Aanay Arrintan Sameeyn

Xulka kubbada-cagta Ukraine ayaa isku diyaariyay inay xirtaan funaanadooda cusub ee Euro 2020 taasoo muujineysa khariidadda waddanka waxaa sidoo kale kasoo muuqanaya halkudhig siyaasadeed.

Xiriirka kubbada-cagta qaaradda Yurub ee UEFA ayaa Ukraine ku amartay inay meesha ka saaraan halkudhiggaas loo arko inuu xambaarsan yahay “muhiimad militari”.

Funaanadaha oo loo qaabeeyey huruudda iyo buluugga soo jireenka ah ee xulka qaranka Ukraine, ayaa soo bandhigaya hal ku dhig siyaasadeed iyo soohdimaha waddanka.

Kaddib markii la shaaciyay isbuuc dhammaadkii dhowaa, siyaasiyiinta iyo saraakiisha Ruushka waxay si dhakhso leh u dhaleeceeyeen kamid noqoshada khariidadda ee Crimea oo ah dhul ay isku heystaan dowladaha Ruushka iyo Ukrain laakiin weli adduunka ayaa looga aqoonsan yahay inuu kamid tahay Ukraine.

Funaanadda qaranka sidoo kale waxaa ku jira qoraalo muujinaya “Sharafta Ukreyn” iyo “Guusha Waxay U Ahaatay Geesiyaasha” mid walbana waxaa la sheegay inuu yahay salaan militari oo rasmi ka ah dalka.

Dibadbaxyo Ruushka ka dhacay ayaa qayb ka ahaa dacwad rasmi ah oo ay u gudbiyeen UEFA oo ku saabsan khariidadda iyo hal ku dhigyada.

Xiriirka kubbada-cagta Yurub ee UEFA ayaa u muuqata inay la safatay Ukraine oo ku aaddan arrinta ku saabsan sawirka Crimea laakiin adeegsiga hal ku dhigyada muujinaya luqadda militari ayay ka horjoogsadeen.

Ukraine waxay bilaabeysaa ololahooda Euro 2020 iyagoo kulanka ugu horreeya la ciyaaraya Netherlands bisha 13ka bishan Juun kaddib waxay la ciyaarayaan Austria iyo Waqooyiga Macedonia oo ku jira Group C.

Russia oo iyana bilaaban doonta kulankooda ugu horreea ee Euroga marka ay la ciyaarayaan Belgium bisha June 12k, ayaa waxaa ku wehliya Guruubka B xulalka Denmark iyo Finland.

Abdihakim Olad

Read Previous

SUUQA: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta|10-Juun-2021 |

Read Next

Spain Oo War Farxad Leh Heshay Kaddib Markii Llorente Laga Waayay Covid-19 Xilli Busquets Uu Weli Karantiilanyahay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?