Spain Oo War Farxad Leh Heshay Kaddib Markii Llorente Laga Waayay Covid-19 Xilli Busquets Uu Weli Karantiilanyahay

Diego Llorente ayaa lagu wadaa inuu ku laabto xerada tababarka xulka Spain jimcaha kaddib markii uu diidmo ka helay tijaabadii ugu dambeeysay ee coronavirus.

Xiriirka Kubadda Cagta Boqortooyada Isbaanishka (RFEF) ayaa sheegtay in daafaca Leeds United uu noqday ciyaaryahankii labaad ee xerada ku jira oo tijaabiya COVID-19 kahor kulankooda furitaanka Euro 2020, iyadoo kabtan Sergio Busquets uu yahay kii ugu horreeyay ee sidaas sameeya.

Llorente ayaa laga saaray saldhiga kooxda waxaana lagu waday inuu bilaabo 10 maalmood oo gooni u sooc ah iyadoo la raacayo hab maamuuska caafimaadka ee COVID-19.

Si kastaba ha noqotee, bayaan ka soo baxay RFEF ayaa lagu sheegay in tijaabo dabagal ah oo la qaaday Arbacadii oo natiijo aan wanaagsaneyn kasoo baxday, taasoo ahayd mid “been” ah oo qalad ku yimid.

Natiijadii Busquets looga helah Covid-19 ayaa carqaladeysay u diyaar garowgii Spain ee kulankoodii furitaanka Group E ee ay la ciyaarayaan Sweden Isniinta soo aaddan, iyadoo tababarka koox koox la hakiyay dhammaan xilli dhammaan xubnihii xulka si gooni gooni ah ay isu diyaariyeen.

Arrintaas ayaa dhalisay xulka 21 jirrada Spain loo diyaariyey ciyaartii Talaadadii 4-0 ah kaga badiyeen Lithuania, ciyaar la rabay inay noqoto tii ugu dambeysay ee iskululeynta kooxda waaweyn kahor Tartanka Qaramada Yurub.

Abdihakim Olad

Read Previous

Ukraine Oo Loo Diidday Inay Xirtaan Funaanaddaha Qaranka Euro 2020 Haddii Aanay Arrintan Sameeyn

Read Next

Harrry Maguire Oo Kusoo Laabtay Tababarka Xulka Ingiriiska Kahor Bilaabashada Tartanka Qaramada Yurub

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?