RASMI: Kooxda PSG Oo Heshiis La Gaartay Giorginio Wijnaldum

Kooxda kubbadda-cagta ee Paris Saint-Germain ayaa heshiis la gaartay khadkii-dhexe ee kooxda Liverpool Giorginio Wijnaldum.

Xiddigan u safta xulka kubbada-cagta ee Netherland ayaa u dhaqaaqaya gegedda Parc Des Princes ee magaalada Paris kaddib markii uu dhammeytirtay heshiiskii uu kula jiray kooxda Liverpool.

Georginio Wijnaldum ayaa heshiis seddex sano ah la gaaray kooxda Faransiiska isagoo macsalaameyntiisii ugu dambeysay la yeeshay taageerayaasha kooxda Liverpool kaddib guushii 2-0 oo ay ka gaareen Crystal Palace maalintii ugu dambeysay ee xilli ciyaareedkii 2020-21 ee Premier League-ga, xill ay isaga iyo kooxda isku waafaqi waayeen heshiis kordhin cusub oo uu dalbanayay.

Saxiixan waxay dhabarjab weyn ku tahay kooxda Barcelona oo markii hore la tibaaxay inay tahay halka ugu dhow ee 30-jirkan uu tagayo, laakiin PSG ayaa ugu dambeyn ku guuleysatay loolankii ay xilli dambe kusoo biirtay, iyadoo lagu wado in dhaqaaqistiisa la dhammeeystiro dhammaadka bishan Juun.

Abdihakim Olad

Read Previous

EURO 2020: 25ka Cayaaryahan Ee Ugu Sarreeya Oo Ay Tahay In La Daawado – Qeybta 1aad

Read Next

DEG-DEG: Juventus Oo Qorsheyneysa Inay Dalab Rasmi Ah Ka Gudbiso Harry Kane

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?