RASMI: AC Milan Oo Heshiis La Gaartay Kooxda Chelsea Si Ay Ulasoo Saxiixato Olivier Giroud

Kooxda Ac Milan ee dalka Talyaaniga ayaa heshiis la gaartay kooxda Chelsea oo ku aadan weeraryahan Olivier Giroud, sida ay warineyso Calcio Mercato.

34 jirkaan ayaa Milan kula heshiiyay qandaraas labo sanno ah oo uu sannadkii ku qaadanayo € 4 milyan oo yuuro oo ay ku jiraan gunnooyin.

Chelsea ayaa lacag kala-iibsi ah ka qaadan doonta Milan, maadaama uu xiddigan u saxiixay heshiis hal sano oo dheeri ah kaddib guushoodii Champions League-ga.

Abdihakim Olad

Read Previous

Manchester City Iskama Iibineyso Gundogan Xilli Xiiso Uu Ka Helayo Barcelona

Read Next

Coutinho Oo Xiiso Ka Helaya Marseille

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?